Weeraryahanka reer Holland Robin Van Persie ayaa kusoo laabtay magaalada Manchester isagoo tababarka la bilaabay kooxda madama xidigaan uu ku maqnaa dalka Holland si uu daaweyn ugu soo qaato madama u dhaawac kasoo gaaray jilibka, balse sidoo kale arinta maqnaashihiisa ayaa lala xiriiriyay xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeyay tababarihii la ceyriyay ee David Moyes.
Kadib markii Maamulka Man United ay go’aansadeen iney ceyriyaan Moyes ayuu RVP dib ugu soo laabtay tababarka isagoo Ryan Giggs ku amaanay shaqada uu qabtay iyo inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono.
Tababaraha kueel gaarka ah ee Man United Ryan Giggs ayaa shaaca ka qaadya in Robin uu diyaar u yahay inuu safto kulanka ugu soo horeeya Man United ay ciyaari doonto horyaalka todobaadka soo aadan iyadoo la ciyaari doonta Sunderland.
“Robin wuxuu yimid jimcihii hore, wuxuuna si wanaagsan u qaatay tababar, diyaar ayuuna u yahay kulanka Sunderland” ayuu Giggs u sheegay saxaafada.
Robin Van Persie ayaana ay ugu dambeysay inuu u ciyaaro Man United lugtii labaad ee Champions League oo uu kooxdiisa ka caawiyay iney kasoo gudubto Olympiakos wareega 16-ka.