Wargeska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Man City ay kusoo biirtay loolanka loogi jiro saxiixa weeraryahanka xulka Chile Alexis Sanchez oo go’aansaday inuu Barcelona isaga tago, xidigan tayada wanaagsan dhawaan inuu kooxda Liverpool ku biiro ayuu diiday waxaana saxiixiisa isku heesteen kooxaha Arsenal iyo Man United balse haatan Man City ayaa ka dul qaadi rabto dhamaan kooxaha laacibkan ku raad joogaan.
Wargeska Mundo Deportivo ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay xidigan dul dhigtay £32m waana qiimo lacageed oo ay Man City diyaar la tahay inay bixiso.
Man City ayaa weeraryahan wanaagsan suuqa Yurub ka baad goobeyso madaama Alvarp Negredo uu kooxdan isaga tagi doono sidoo kale Sergio Aguero caafimaad ahaan uusan taam u ahayn xili cayaareedka cusub kadib markii uu koobka aduunka ku dhaawacmay sidaa darteed maamulka Man City ayaa isku raaceen in garoonka Etihad la keeno Sanchez oo 25-jir ah horeyna ugu cayaari jiray kooxda Udinese.
Inkastoo uu xidigan sheegay inuu jecel yaha ku biiritaanka Arsenal hadana Man City ayaa isku kalsoon inay saxiixiisa ku guuleesan karto madaama ay mushaar badan iyo boos joogto ah diyaar ula tahay.
Profile