Wargeska Daily Mali ayaa sheegay in kooxda Man City ay haatan hormar wanaagsan ka sameesay sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd kubad sameeyaha reer Brazil Roberto Firmino.
Xidigan tayada wanaagsan kana tirsan naadiga Hoffenheim waxaa ku raad joogaan qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan balse Man City ayaa haatan si toos ah ula xariirtay kooxda reer Jarmal.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in kooxda Hoffenheim ay dalbatay in £20million qiimo ahaan laga siiyo Firmino waxayna Man City balan qaaday inay lacagahan bixin doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.
23-jirkan sanadii 2011 ayuu Bundelsigaha Jarmalka yimid wuxuuna kooxdiisa Hoffenheim u saftay in ka badan 150-kulan wuxuuna kula jiraa heshiis gaarayo ilaa sanada 2017.
Balse Man City ayaa dooneyso inay sida ugu dhaqsiyaha badan saxiixiisa kusoo gaba gabeyso waxayna ka cabsi qabtaa in qiimaha Firmino uu sare usii kaco madaama uu xulka Brazil bisha June kala ayb gali doon tartanka Copa America.
Sidoo kale xidigan waxaa si gaar ah saxiixiisa ugu raad joogaan kooxaha Arsenal, Man United, Chelsea, Juventus iyo kuwo kale.