Jariiradda saldhigeedu yahay faransiiska L’Equipe ayaa cadeysay in Paul Pogba uu dhexda kaga jiro tartan xoog leh oo u dhaxeeya koxaha Man United, Man City, Chelsea, PSG & Real Madrid.
Xidigaan heerka caalami ee reer France ayaa muujiyay dadaal dheeraad ah koobka Aduunka wallow xulkiisa uu wareega quarter finalka ku haray isagoo guuldaro kala kulmay Germany.
Si Kastab L’Equipe ayaa bidhaamisay in Manchester City ay hogaanka u qabatay loolanka loogu jiro xidigaan heerka caalami iyadoo dooneysa iney badal kaga dhigto xidiga aan mustaqbalkiisa wali la saldhigin ee Yaya Toure.
Kubad sameeyaha reer Ivory Coast ayaa ka gadoodsan kooxda Etihad ku ciyaarta kadib markii maamulka kooxda ay ku tixgelin waayeen dhalashadiisa 31-aad.
Si kastaba Toure wuxuu dalab ka helay kooxda PSG ee dalka faransiiska taa badalkeeda City ayaa Juventus ka qalqaashaneysa Paul Pogba.
Qiimaha Paul Pogba ayaan wali la saleynin iyadoo lagu qiimeeyo xidigaan 80 – 100 Malyan Oo Euro.
Kooxda Los Blancos ayaa iyadana dhankeeda kaga jirta loolanka Paul Pogba iyadoo dib u habeyn ku sameyneysa khadkeeda dhexe.
Ugu dambeyntii kooxda Shiekh Mansuur ee Manchester City ayaa ku hormartay loolanka Pogba iyadoo tilaabooyin xiga u qaadi doonta sidii ay xidigaan Premier League dib ugu soo celin laheyd.
Profile