Kooxda Manchester City ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa ku warantay iney dhamaadka isbuucaan ku dhawaaqi doonto saxiixeed cusub ee xili ciyaareedkaan. City ayaa aaminsan iney 14.5 Malyan oo pound kusoo qaadanayaan Fernando kaas oo 45kulan u ciyaaray kooxdiisa Porto xili ciyaareedkii soo dhamaaday.
Sida ay warineyso The Guardian, 26-jirkaan heerka caalami ayaa u uli doona magaalada Manchester si uu halkaas caafimaad ugu maro ka hor inta uusan dhameyn heshiiska uu ugu biirayo Manchester City.
Porto ayaa 2007 soo iibsatay xidigaan iyadoo a keentay horyaalka Brazil gaar ahaan kooxda Vila Nova. Manchester City ayaa horay u heysatay kubad burburiye Fernandinho oo isna reer Brazil ah kaas oo ay xagaagii dhamaaday kazoo qaateen kooxda Shakhtar Donestk ee dalka Ukraine.