waxaa daqiiqado ka hor soo idlaaday kulan aad xiiso badnaa oo dhecx maray kooxaha Manchester City iyo Manchester United wuxuuna kusoo idlaaday 4-1 oo guusha ay ku raacday United.
Kulankaan oo aan Laga fileyn inuu natiijadaan ku dhammaan doono ayaa waxaa Bandhiga Goolaha Kooxda Manchester City bilaabay laaciibkooda gool dhalinta badan ee S. Agüero daqiiqado 16 ee Cayaarta.
Iyadoo Waqtiga Nasashada loo dhawyahay waxaa gool labaad u dhaliyey Manchester City Y. Touré daqiiqadii 44 ee qeybtii hore ee cayaarta.
Markii laga Soo laabtay Nashada waxaa City isla markii ay heshay Gool Sedexaad waxaana shabaqa ku hubsaday S. Agüero daqiiqadii 47 ee qeybtii dambe ee cayaarta.
Manchester United ayaa isku dhexyaacday waxayna ka liidatay Xagga Difaaca iyo Qadka Dhexe ayaa waxaa haddana ka faa’ideyso Samir Nasri oo gool afaraad u dhaliyey City.
Macalin Moyes ayaa sameeyey badal Xagga Qadka dhexe kadib markii uu Bixiyey Young uuna keenay Cleverley waxayna markaas wixii ka dambeeyey kasoo kabsatay dafiicnimadii ka heystay Xagga Qadka Dhexe iyadoo u suurta gashay inay hesho goolka agoonka ee cayaarta waxaana qalinka ku duugey Rooney oo Bilisoon ku helay City cayartana waxayna kusoo idlaatay 4-1 oo guusha ay ku raacday City.
Maclain Moyes ayaa guuldaradii ugu weyntii la kulmay tan iyo markii uu Macalin u noqday United.