Home » Europe » Champions League » Manchester City Oo Cagta Marisay Kooxda Viktoria Plzeň Guulna Ku Furtay Ueafa Champions League

Manchester City Oo Cagta Marisay Kooxda Viktoria Plzeň Guulna Ku Furtay Ueafa Champions League


Plzen-City_2674944b

Kooxda Manchester City oo Dafiicnimo ku bilowday Horyaalka England ayaa markaan guul muhiim ah ku Furtay Tartanka Ueafa Champions League, iyadoo ku badisay 0 -33 Viktoria Plzeň.

Duufaanta Goolasha ee City waxaa Daaha ka qaaday weeraryahankeeda Nasiibka badan  E. Džeko Daqiiqadii 48 qeubtii dambe ee Cayaarta sidaas Darteed City ayaa Hoggaanka Cayaarta ku qabatay 0-1.

City ayaa goolkeeda labaad heshay Shan Daqiiqo Kadib markii Ninka Laf Dhabarka u ah Manchester City Y. Touré uu Shaqaba ku hubsaday Gool Daqiiqadii 53 ee Cayaarta.

City oo u muuqatay inay ka Awood Badneed Viktoria ayaa gool sedexaad heshay Daqiiqadii 58 waxaana Shabaqa ku hubsaday Agüero.

Wixii Intaas ka dambeeyey City ayaa bilowday inay Furfurto Banooniga waxayna Cayaarta kusoo idlaatay 0-3 oo Guusha ay ku raacday Kooxda Manchester City.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close