Home » Horyaalada » La liga » Manchester City Oo Barcelona Kula Xifaaltami Doonta Saxiixa Goolhaye Willy Caballero

Manchester City Oo Barcelona Kula Xifaaltami Doonta Saxiixa Goolhaye Willy Caballero


Willy Caballero

Manchester City ayaa dagaal la gali doonta kooxda Barcelona madama ay labada kooxood wada xiiseynayaan goolhayaha kooxda Malaga Willy Caballero.

Tababare Manuel Pellegrini ayaa mar kale doonaya inuu maamulo goolhayahaan isagoo kusoo maamulay kooxda Malaga madama kooxda Manchester City ay macquul tahay iney lumiso goolhaye Pantalimon oo si xor ah kaga tagi kara marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

32-jirka reer Argentina ayaa ah goolhaye ku wanaagsan qabashada kubada iyadoo la xasuusto inuuu kaalin mug leh ka qaatay hormarkii ay Malaga ka sameysay xili ciyaareedkii 2012/2013 tartanka Champions League madama ay soo gaareen Quater Final.

Dhanka kale Barcelona ayaa si xor ah ku lumineysa labada goolhaye ee Pinto iyo Valdes kuwaas oo xaqiijiyay iney ka tagayaan kooxda.

Barcelona ayaa lasoo saxiixatay goolhayaha da’da yar ee reer Jarmal Stergen balse waxey markaan u dhaqaaqeysaa dooq labaad oo badali kara goolhayahaan waxeyna dalab u gudbisay Willy Caballero.

Goolhaye Willy Caballero oo ka hadlay arimaha la xiriira xiisaha ay u qabaan kooxaha Man City iyo Barcelona ayaa yiri:

“Ma garan karo hadii doon-doonistaan ay run noqon doonto balse waa wax lagu faano iney i raadiso Barcelona”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close