Wargeska Metro ayaa sheegay in kooxda Man United ay qasnadeeda lacageed u furi doonto labo ka mid ah xidigaha xulka Jarmalka ugu muhiimsan.
United waxay ugu tala gasahy inay £60m kula soo wareegto Bastian Schweinsteiger & Mario Gotze madaama labadan xidig ay diyaar u yihiin inay xagaagan Bayern Munich isaga hayamaan.
Macalin Luis Van Gaal wuxuu doonayaa inuu awooda kooxdiisa sare u qaado sidaa darteed Bastian Schweinsteiger & Mario Gotze ayuu ku kalsoon yahay inay Man United gaarsiin karaan guulaha u qorsheesan kooxdan.
Schweinsteiger oo 30-jir ah waxaa looga fadhiyaa inuu go’aan rasmi ah qaato maal maha nagu soo fool leh waxaana la sadaalinaa inuu xidigan macsalaameen doono naadigii uu kusoo bar baaray madaama uusan ku qanacsaneyn ka hoos cayaarida macalin Pep Guardiola.
Mario Gotze oo 23-jir ah isaga dhawaan ayuuba ka dhawaajiyay inuusan ku faraxsaneyn qaabka ay kooxdiisa Bayern ula macaamilto madaama xili cayaareedkii dhawaa inta badan uu kursiga keydka ku dhameestay.
Agaasimaha guud ee kooxda Bayern Munich Mathias Summer ayaa garab istaagay macalin Guardiola wuxuuna ka dhawaajiyay in xidigii aan ku qanacsaneyn garoonka Allianz Arena la fasixi doono.
Hadaba Man United awoodeeda dhaqaalo ayay dooneysaa inay labadan xidig oo xagaagii hore xulka Jarmalka koobka aduunka u qaadeen inay kusoo jiidato.