Macalin Luis Van Gaal ayaa u sheegay masuulka Man United ugu sareeyo Ed Woodward in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo gacan galiyo Bastian Schweinsteiger.
The Mirror ayaa sheegay in Van Gaal iyo Bastian Schweinsteiger ay wada hadleen sidoo kalena xidiga reer Jarmal uu diyaar u yahay inuu dib ula midoobo macalinkiisii hore.
Sida darteed The Mirror ayaa ka dhawaajiyay in Man United ay haatan wada hadalo la furtay dhigeeda Bayern Munich waxay ku qaadan rabtaa Bastian £7.5million waayo xidigan xidigan uu Bayern kula joogo waxaa ka harsan wax ka yar 12-bilood.
31-jirkan ayaa qaatay go’aan ah inuusan kasii hoos cayaarin macalin Pep Guardiola wuxuuna doonayaa inuu isbadal deg deg ah sameeyo inta uu xagaagan suuqa Yurub furan yahay.
Dhawaan Lothar Matthaus oo ah kabtankii hore ee xulka Jarmalka iyo Bayern Munich ayaa sheegay in Schweinesteiger ay doqonino ku tahay inuu Guardiola kasii hoos cayaaro loona baahan yahay inuu macalinkiisii hore Luis Van Gaal dib ula midoobo.
Van Gaal ayaa sabab u ahaa in Bastian uu khadka dhexe ka cayaaristeeda ku taqasuso waxayna Bayern isla joogeen intii u dhaxeesay 2009 ilaa 2011 waana xiligii xidigan waaya araga ah uu bartay sida khadka dhexe looga cayaaro.
Hadaba waxaa la filaa inta aysan dhamaaninin bisha June in Bastian uu dib ula midoobo macalinkiisii hore sidoo kalena mustaqbalkiisa cayaaree duu kasoowato Premiership-ka England.