Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Kala Sheekeesatay Aston Villa Sidii Looga Iibin Lahaa Christian Benteke

Man United Oo Kala Sheekeesatay Aston Villa Sidii Looga Iibin Lahaa Christian Benteke

benteke1_2482758b

Kooxda Man United ayaa u aragto in weeraryahanka reer Belgium Christian Benteke uu ku wanaagsanaan lahaa inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato garoonka Old Trafford sidaa darteed United ayaa la xariirtay dhigeeda Aston Villa waxayna kala hadashay sidii looga iibin lahaa weeraryahankan awooda badan sidoo kalena shabaqa saaxiib la ah.

Waxaa horey xidigan loola xariirinaayay kooxaha Tottenham iyo Arsenal balse haatan saxaafada dalka England siweyn waxay u hadal heysaa in Man United ay gacanta ku dhigi rabto weeraryahankan laga daba dhacay, macalinka naadiga Aston Villa Paul Lambert ayaa ka walaacsan furitaanka suuqa Yurub oo ku beegan bisha Janaayo waayo ma doonayo inuu lumiyo xidigan xili cayaareedkan oo kala bar maraayo wuxuuna qirtay in Man United ay haatan lasoo xariirtay.

22-jirkan bilawgii xili cayaareedkan ayuu heshiis 4-sano ah qalinka ku duugay balse midaas kama celin doonto inuu garoonka Old Trafford u dhaqaaqo waayo Man United ayaa u qorsheesay inay xidigan kula soo saxiixato 25-milyan oo pound sidoo kale United way isku kalsoon tahay madaama Aston Villa aysan horey xidigan qiimo u dul dhigin.

Arintaas awgeed macalin David Moyes ayaa taleefon kula sheekeestay tababaraha Aston Villa Paul Lambert waxayna ka wada hadleen sidii Benteke looga iibin lahaa sidoo kale wargesyada ayaa qoreen in United ay amaah kooxda Villa ku siin doonto xidigeeda dhalinta yar Wilfred Zaha marka la gaaro bisha Janaayo.


Waxaa Aqrisay: (144)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>