Ugu dambeyntii kooxda Man United ayaa sheegtay inay si rasmi ah ula soo saxiixan doonto daafaca xulka Jarmalka iyo naadiga Dortmund Mats Hummels, waxayna United u diri doontaa saraakiil heer sare ah dala Jarmalka si ay bilawga todobaadka nagu soo fool leh usoo gaba gabeyso soo xero galinta Hummels oo ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan qaarada Yurub, wargeska Daily Express ayaa sheegay in macalin Luis Van Gaal uu ka dalbaday maamulka Man United inay sida ugu dhaqsiyaha usoo afjaraan arinka Hummels madaama uu macalinkan doonayo inuu la wareego hogaanka United ayadoo ay diyaar u yihiin xidigaha uu ku dagaal gali lahaa wuxuuna Hummels u arkaa inuu xalin karo dhibaatada Man United dhanka daafaca gadaale.
Man United ayaa isku kalsoon inay Hummels lasoo saxiixan karto waxayna ku wareejin doontaa Dortmund 20million maal maha nagu soo fool leh inkastoo kooxda reer Jarmal horey u sheegtay in Hummels ay kaga samri karto 30million hadana waxaa la sadaalinaa inay dalabkan aqbali doonto waayo Hummels isaga ayaa kooxdiisa ku cadaadinaayo inay Man United ka iibiyaan sidoo kale Man Unied iyo Dortmund waxaa ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan weliba labo sano ka hor Dortmund waxay United ka iibisay xidigeedii tayada wanaagsanaa Shinji Kagawa, geeska kale wakiilka Hummels ayaa sheegay in daafacan mustaqbalkiisa cayaareed meel u dhici doono maal maha nagu soo fool leh waxayna u muuqataa in xidigan iyo Man United ay heshiis wada gaareen balse Dortmund ayaa dhiman inay aqbasho lacagaha United miiska u saartay.
Profile