Loolankii ugu cuslaa inuu dhex mari doono kooxaha Man United iyo Real Madrid ayaa la filaa madaama labadan naadi ay saraakiil kala duwan u direen magaalada Turin waxayna isku heestaan saxiixa mashiinka kooxda Juventus Arturo Vidal oo la filaayo inuu xagaagan Serie A-da macsalaameyn doono, inkastoo maamulka Juve ay maalmo ka hor shaaca ka qaadeen in xidigan uusan beec ahayn.
Hadana wargeska La Gazzeta delo Sport ayaa sheegay in kooxda reer Talyaani ah Vidal fasixi doonto hadii dalab gaarayo £40m miiska loo soo saaro sidaa darteed Real Madrid iyo Man United waxaa gacanta ku dhigi doonto Vidal hadba naadigii Juventus raali galiso.
Real Madrid waxay dooneysaa inay Vidal lasoo saxiixato si u difaacato xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub sidoo kalena waxaa taageero weyn u ah xidiga reer Chile macalin Carlo Ancelotti oo doonayo inuu xili cayaareedka dambe iska garab cayaarsiiyo Alonso, Modric iyo Vidal.
Dhanka Man United macalin Luis Van Gaal wuxuu doonayaa inuu dhiso naadi awood badan sidaa darteed qorshihiisa waxaa ka mid ah Vidal oo u arko inuu xalin karo dhibaatada Man United ka heesato dhanka khadka dhex, sidoo kale Vidal kooxda Barcelona ayaa ku raad joogto balse ilaa haatan wargesyada dalka Talyaaniga waxay xaqiijiyeen in kooxaha Man United iyo Real Madrid ay wakiilo kala duwan usoo direen magaalada Turin balse lama sadaalin karo kooxda ku guuleesan doonto saxiixa 27-jirkan.