Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Athletico Bilbao Ander Herrera’ waxay Man United ku raad joogtay mudo dheer sidoo kalena United ayaa u aragto in Herrera uu badali karo mustaqbalka dhow Michael Carrick sidaa darteed maamulka Man United waxay isku raaceen in xagaagan la keeno garoonka Old Trafford balse haatan United waqti badan ma heesato hadii aysan la saxiixanin 12-maalmood ee nagu soo fool leh gudaheeda Ander Herrera qiimahiisa sare ayuu usii kici doonaa waxaana naga xasuusin ah in qandaraaska xidigan uu Athletico kula joogo haatan lagu jebin karo €36m balse wixii ka dambeeo 30-ka bishan €40million ayuu qiimahiisa ka bilaaban doono dabcn sare ayuu u sii socon doonaaa.
Dabcan aqbaartan United oo gaartay ma aysan jecleesanin waxayna ku qasbanaan doontaa inay lasoo saxiixato Herrera ka hor inta aysan bishaan dhamaanin hadii kale lacago dheeraad ah ayay kuso xero galin doontaa xidigan tayada wanaagsan waxayna Man United ku raad joogtaa soo xero galintiisa 12-bilood ee ugu dambeeyay, Ander Herrera wuxuu ka mid ahaa xidigahii La Ligaha ugu wanaagsanaa xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuuna kooxdiisa Bilbao u saftay 31-kulan asigoo dhaliyay 5-gool sidoo kalena 5-kubadood ayuu dhiibay waxaa intaas usii dheereed inuu Bilbao u suura galiyay kaalinta 4-aad ka gasho La Ligaha sidaa darteed macalin Luis Van Gaal oo xidigan dhalinta yar taageero u ah ayaa doonayo in Man United lagu soo biiro xagaagan.