Man City oo maal mihii aan kasoo gudubnay safar gaabay ku joogtay dalka Isku Taga Emirates-a Carabta ayaa sidii la filaayay kulankii saaxiibtinimoo oo ay la cayaartay naadiga Al Ain guul xarago ku dheehan ka gaartay, City ayaa u muuqatay inay hoygeeda labaad joogtay madaama milkiilayaasha reer Emirates ee kooxdan iska leh ay safarkan ku wehliyeen waxayna wiilasha macalin Maneul Pelligrini garoonka lasoo galeen ka hor inta aysan cayaarta bilaabanin labadii koob oo ay xili cayaareedkan ku guuleesteen kuwaas oo kala ahaayeen Premiership-ka iyo Capital One Cup.
Cayaartan xiisaha badan waxay ka dhacday garoonka Hazza Bin Zayed Stadium oo markii ugu horeesay albaabada loo furay waxaana garoonkan cusub quruxdiisa guusha ku qaadatay Man City oo 3-0 ku suul daartay kooxda Al Ain, inkastoo xidigaha ugu caansan City intooda badan kulankan aysan ka qayb qaadanin hadana Samir Nasri iyo laacibiin kale ayaa wacdaro ka dhigeen garoonka sidoo kalena madadaaliyeen 25000 ee reer Emirates ah kuwaas oo kulankan usoo daawasho tageen.
Inkastoo qaybtii hore gool la’aan lagu ka nastay hadana waxaana goolsha ku daah furay 18-jirka reer Portugal Marcos Lopes daqiiqadii 63-aad kooxda Al Ain dadaal dheeraad ah ayay muujisay balse Stevan Jovetic ayaa cayaarta 2-0 ka dhigay daqiiqadii 78-aad, inkastoo la islahaa kulankan 2-0 ayuu kusoo idlaan doonaa hadana wiilka dhalinta yar Jordie Hiwula-Mayifuila ayaa rigoore loo dhigay wuxuna cayaarta ka dhigay 3-0 sidaas ayuuna kulankan kusoo idlaaday.
Milkiilaha Man City Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo u sacaba tumaayo kooxdiisa
Samir Nasri ayaa loo aqoonsaday xidigii ugu wanaagsanaa kulankan madaama uu labo kubad dhiibay sidoo kalena uu qaab cayaareed aad u wanaagsan soo bandhigay dabcan xidigan wuxuu fariin u diraayay macalinka xulka France Didier Dechamps oo maalmo ka hor xulkiisa ku dhawaaqay una diiday inuu Nasri koobka aduunka France u matalo, tolow Deschamps go’aankan ma shaleyn doonaa!
Xaqiiqada kulankan iyo Line Up-ka ay labadan naadi kusoo galeen:
Al Ain: Salem, Ahmed, Ahmad, Juma, Salem, Barman, Radoi, Al Ghanassy, Rahman, Abdulrahman, Brosque
Manchester City: Pantilimon (Wright 46), Boyata, Richards, Nastasic, Clichy (Leigh 79), Kolarov (Bytyqi 73), Rodwell (Huws 46), Garcia, Lopes, Nasri (Hiwula 79), Jovetic