Manchester City ayaa dhulka ka hoos marisay Tottenham kadib markii ay ku xaaqday 5-1 waxaana ay u dhaqaaqday booska sare ee Premier League.
Kadib markii Southampton ay wadada u istaagtay Arsenal habeenkii Talaadada , City ayaan sameynin wax qalad ah markii ay booqatay White Hart Lane, waxaana ay si fiican u faa’iideen markii ciyaarta laga saaray Danny Rose oo la taagay kaarka cas.
Sergio Aguero ayaa daah furay bandhiga goolasha Man City daqiiqadii 15 aad ka hor inta uusan Yaya Toure rigoore kaga dhigin 2-0.
Markii la isku soo laabtay City ayaa heshay sadex gool oo dheeraad ah oo ay dhaliyeen Dzeko, Jovetic iyo Kompany, halka Spurs ay goolka qura ka heshay Capoue oo badal ku soo galay ciyaarta.
Macalinka cusub ee Tottenham ayaa qasaaradii koowaad xalay kala kulmay Premier League .
City ayaa badisay 8 kulan oo isku xigta Premier League waana markii ugu horeysay abid taariiqda kooxda.
David Silva oo uciyaara Manchester City ayaa loo magaacabay xidiga ciyaarta.
City ayaa hada 1 dhibic ka sareysa kooxda Arsenal.