Madaama kooxda Man City ay ku guuleesatay Premiership-ka England waxay maamulka kooxdan isla garteen in garteen in qaar ka mid ah xidigaha kooxdan ugu muhiimsan lagu abaal mariyo in heshiis cusub laga saxiixo sidoo kalena mushaarka loo kordhiyo waayo macalin Manuel Pelligrini ma doonayo in qaar ka mid ah xidigahiisa tayada wanaagsan xagaagan lasoo hunguriyeeyo waxaana ugu horeeyo goolhaye Joe Hart oo xili cayaareedkan geeinimo muujiyay inkastoo bilawgii xili cayaareedkan uu hoos u dhac sameeyay hadana goolhayan ayaa soo laba kacleeyay wuxuuna haatan sabab u noqday inay City horyaalka ku guuleesato sidaa darted Hart heshiis waqtigiisa dheer yahay ayaa laga saxiixi doonaa sidoo kalena 50% ayaa la rajeynaa in mushaarkiisa sare loo qaado.
Hart oo 27-jir ah heshiiskiisa 2-sano ayaa ka harsan balse diyaar ayuu u yahay inuu Etihad sanado badan kusoo sugnaao sidoo kale Eden Dzeko oo isagana la hadal haayay inuu xagaagan kooxdiisa isaga tagi doono ayaa lagu wadaa inuu heshiis cusub saxiixo wuxuuna weeraryahanan aqbalay codsiga maamula Man City oo doonayaan dadaalkii uu sameeyay xili cayaareedkan in agu abaal mariyo, geeska kale madaxda Man City ayaa sidoo kale casho sharaf la qaateen xidigaha kala ah Aleksandar Kolarov, Samir Nasri iyo James Milner waxaa loo sheegay in kulanka xiga oo ay wada qaadan doonaan in heshiis cusub laga saxiixi doono dhamaan tani waxay ka dhigan tahay in milkiilayaasha Man City ay ku qanacsan yihiin xidigahooda sidoo kalena ay u arkaanin qarashaadka ay bixinayaan badalkooda ay helayaan natiijo ay ku qancaan.