Home » Horyaalada » La liga » Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu Oo La Kulmay Sepp Blatter

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu Oo La Kulmay Sepp Blatter


n_20140422150803_josep_maria_bartomeu_y_blatter_se_reuniran_en_suiza_el_6_de_mayo

Masuulka ugu sareeyo naadiga Barcelona Josep Maria Bartomeu oo hogaaminaayo wafdi heer sare ah ayaa kulan xasaasi ah magaalada Zurich ee dalka Switzerland kula qaatay madaxweynaha xiriirka kubada aduunka Sepp Blatter waxaana la sheegay in inta badan wada hadalkaas uu ku qotomay dhawaan ganaaxii FIFA ay Barcelona kusoo rogtay, inkastoo dhawaan Barcelona ganaaxan si ku meel gaar ah looga qaaday hadana gudoomiyaha kooxdan oo ay safarkiisa ku wehliyeen Jordi Mestre oo ah gudoomiye ku xigeenka iyo Manel Arroyo oo ah afhayeenka kooxdan sidoo kalena saxaafada Barcelona u qaabilsan ayaa la rajeynaa kulankii ay la qaateen masuulka ugu sareeyo FIFA inuu kasoo baxo war ay ku farxaan taageerayaasha Barcelona.

Sidoo kalena Barcelona dhawaan waxaa lagu ganaaxay inay bixiso €410,000 balse waxaa la rajeynaa in lacagahaas laga qafiifiyo sidoo kalena ganaaxa Barcelona horey loo saaray laga yareeyo hadaba dadaalka ay madaxda Barcelona waxaa wadaan shaaca ka qaaday wargeska Marca oo sadaalinaayo in kooxdan faca weyn ay ku guuleesan doonto in xanibaada saaran si toos ah looga qaado, geeska kale gudoomiyaha naadiga Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa wargeska Marca u sheegay in kooxdiisa ay xagaagan lacago badan suuqa Yurub ka faraqi doonto si xidigo tayo wanaagsan garoonka Camp Nou loo keeno balse masuulkan ayaa ka aamusay inuu ka talo bixiyo mustaqbalka macalin Gerrardo Tata Martino wuxuuna masuulkan sheegay inuusan wax walbo ka hor dhici doonin loona sugi doono go’aan walbo marka uu xili cayaareedkan dhamaado.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close