Xulka Faransiiska ayaa usoo gudbay wareega quater finalka ee Koobka Aduunka kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Nigeria goolal kakala yimid Paul Pogba iyo gool uu iska dhaliyay kabtanka Nigeria Yobo.
Guushaan ay gaartay Faransiiska ayaa ka dhigan iney sugeyso kulanka Germany iyo Algeria o goor dhaw bilaaban doona waxeyna ku aadi doonaan xulkii soo gudba.
Wiilka yar ee Juventus Paul Pogba ayaa wacdaro ka dhigay ciyaarta kaas oo gool madax ah ugu daah furay inkastoo goolka labaad ay iska dhaliyeen daafaca Nigeria.
Pogba ayaa sameeyay intii ay socotay ciyaarta xariiftan sare isagoo jamaahiirta xulka Farnasiiska qanciyay. Benzema, Cabaye iyo Matiuidi ayaa sidoo kale muuqaalo ku yeeshay.
Weeraryahanka 17-jirka ah ee lo maleeyay inuu jiro 42-jirka Onazi ayaa dhawac lugta inuu jab kasoo gaaray loo maleeyay looga saaray garoonka kaas oo Lazio ka tirsan.
Profile