Home » Horyaalada » La liga » Madadaalada Maanta: Murqaha Cristiano Ronaldo, Qaniinyada Suarez Iyo Madax Wareerka Del Bosque (+Sawiro)

Madadaalada Maanta: Murqaha Cristiano Ronaldo, Qaniinyada Suarez Iyo Madax Wareerka Del Bosque (+Sawiro)


Madaama koobka aduunka uu haatan meel xiiso badan soo gaaray sidoo kalena xulal la filaayay ay tartankan qiimaha badan ka hareen waxaan idiin heynaa maanta inaad madadaalo ka dhigataan sedex muuqaal oo si gaar ah u taabanayaan weeraryahanka xulka Uruguay Luis Suarez oo dhawaan mudo 4-bilood ah cayaaraha laga ganaaxay kadib markii uu Giorgio Chiellini qaniinay, Cristiano Ronaldo isagana asigoo kabtan u ah xulkiisa Portugal ayuu ku fashilmay inuu koobka aduunka wareegiisa labaad usoo saaro iyo macalin Vicente del Bosque oo isagana ku guul dareestay xulka Spain oo difaacanaayay tartankan inuu wareega 16-aad usoo saaro fadlan hoos kaga bogo sawirada sedexdan shaqsi quseeyaan:

Muqaalka Maalinlaha Ah

Luis Suarez: hadii aad daawatay filmkii Jurasic Park dabcan xasuus kale kuuma harsano waayo bahalka filmkaas ku jiray dhamaan dadka oo dhan ayuu cunayaa sidaa darteed waxaa soo baxay film cusub loogu magacaabo Suarez Park! sida sawirka kaaga muuqdo Chiellini ayaa ka baxsanaayo Suarez Park wuxuuna halis ugu jiraa in la cuno!

1495300_1380707212192943_228421094_o

Cristiano Ronaldo: maalin walbo waxaad aragtaa Ronaldo oo funaanada intii siibto murqahiisa xabadka iyo garbaha banaanka soo dhigaayo balse nala arag xaaladii uu xidigan soo maray markii uu dhalin yaraa Ronaldo tababar ahaan aadbuu dafiic u ahaa waxaa macquul ah in maanta uusan isaga xitaa sawirkaan aaminin marka la is bar bar dhigo labada sawir!

yoga

Macalin Del Bosque: Kadib markii xulka Spain ay guuldaro xanuun badan koobka aduunka kala kulmeyn macalin Del Bosque waxaa ku dhacay madax xanuun weliba kubad agtiisa soo gaartay ayuu isku dayay inuu laado wuxuuna kala garan waayay madaxa iyo lugta meesha kubada lagu laado, bal adigaba qiyaas guuldarada xanuunka ay leedahay inay sababi karto falalkan oo kale waa mid iska muuqato!


Close