Xiriirka kubada cagta aduunka waxay Arjen Robben u aqoonsadeen inuu yahay laacibka caalamka ugu xawaaraha dheereeyo marka loo bar bar dhigo xirfadlayaasha kubad cagta waxaana Robben lagu tilmaamay xidig aan la gaari karin waayo 37 kilometre ayuu saaciidii ku orday kulankii Holland 5-1 cagta ku mariyeen Spain weliba oroadkii Sergio Ramos uu kaga tilaabsaday ayuu iskoorkan cusub ku gaaray hadaba Robben ayaa iskoorka xidiga aduunka ugu xawaarah sareeyo kala wareegay Antonio Valencia oo horey ku orday 35 kilometre saacadii, sida darteed Robben oo haatan iskoor cusub u dhigay xidigaha kubada cagta cayaaraan ayaan idiin heynaa liiskan laacibiinta ugu xawaaraha dheereeyaan xiligan oo dhameestiran.
# | Cayaaryahan | Xawaaraha |
1 | Arjan Robben | 37 kph |
2 | Antonio Valencia | 35.2 kph |
3 | Theo Walcott | 35 kph |
4 | Gareth Bale | 34.7 kph |
5 | Aaron Lennon | 33.8 kph |
6 | Cristiano Ronaldo | 33.6 kph |
7 | Lionel Messi | 32.5 kph |
8 | Wayne Rooney | 32.1 kph |