Home » Maxaa Cusub » Macluumaad Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Koobka Aduunka Wax Badan Ka Ogaaw:

Macluumaad Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Koobka Aduunka Wax Badan Ka Ogaaw:


RVP and Dutch

Madaama koobka aduunka uu haatan si habsami ku dheehan uga socdo dalka Brazil waxaan maalin walbo idin la wadaagi doonaa macluumaad dheeri oo ah ku saabsan tartankan xiisaha badan waa hore iyo waa cusuba, waxaana naga xasuusin ah inaaan idin la wadaagi doono iskoor walbo ee soo kordho taariikh ahaan wixii tartankan horey uga dhaceen iyo weli iskoorada laacibiinta ama xulalka qaar laga jebinin fadlan xogteena nala wadaaga kadibna waxaan jeclaan laheen wixii talo iyo tusaale ah inaa nagu caawiseen madaama aan dhamaanteen wada xiiseyno daawashada koobka aduunka:

  • Waxaan aragnay markii ugu horeesay xulka Spain ee laga dhaliyo 5-gool waxaana ugu dambeesay guuldaro culus oo ay la kulmaan sanadii 1963 xiligaas 6-3 waxaa ku suul dareen xulka Scotland!
  • Waa markii ugu horeesay xul koob aduun difaacanaayo looga badiyo 4-gool oo nadiif ah sidaa darteed Spain ceeb aysan kasoo kaban karin ayaa ku dhacday.
  • Waa markii sedexaad taariikh ahaan oo ay xulka Holland dhaliyaan 5-gool cayaaraha aduunka.
  • Ma ogtahay in labo halyee oo xulka Italy u dhalatay ay ku guuleesteen kabaha dahabka koobka aduunka waxayna kala yihiin Paolo Rossi (6 goals, 1982) and Salvatore Schillaci (6 goals, 1990)
  • Ma ogtahay in Franz Beckenbauer (Germany) iyo Mário Zagallo (Brazil) ay yihiin labada shaqsi ee ku guuleesteen koobka aduunka ayagoo cayaartoo ah iyo sidoo kalena ayagoo macalimiin ah!
  • Ma ogtahay in Oliver Kahn uu yahay goolhayaha kaliya ee ku guuleestay abaal marinta Golden Ball ee la siiyo xidiga ugu wanaagsan koobka aduunka wuxuuna abaal marintan qaatay sanadii 2002!
  • Ma ogtahay halyeegii reer Belgium Enzo Scifo uu sanadii 1986 ku guuleestay laacibkii ugu dhalinta yaraa e koobka aduunka ugu wanaagsanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close