Macalinkii Hore Xulka Senegal Bruno Metsu ayaa geeriyoday isagoo da’diisa ay tahay 59-sano jir.
Macalinkaan reer France ayaa lagu xasuustaa inuu wacdaro dhigay Koobkii Aduunka ee 2002 markaasoo wadamada Japan iyo Koonfurta Korea ay martigeliyeen Koobkaas.
Senagal ayaa so gaartay wareega 8-da ee koobkaas markii ay soo gudbeen Sweden iyo France waxaana ugu dambeyntii bareega u qabtay Xulk Turkey-ga oo kacsanaa xiligaas.
Jariiradda L’Equipe ayaa bishii July cadeysay in macalinkaan uu la xanuunsanayo cudurka Kansarka.
Wuxuu ku dhintay Gurigiisa oo ku yaala France gaar ahaan Xaafada Coudekerque-Village Saakay.
Metsu ayaa usoo ciyaaray Lille iyo Anderletch isagoo ciyaariyahan ah.
Metsu ayaa koob la qaaday kooxda Al Ain koobka Asia Champions League sidoo kale imaaraadka carabta ayuu u qaaday Koobka Gacanka 2007.
Macalin Metsu ayaa waqtigiisii ugu wacnaa lagu tilmaamay 2002 markaas oo uu Senegal gaarsiiyay Koobka Aduunka Quater Final, isla sanadkaas ayuu Senegal geeyay Finalka Koobka Qaramada Qaarada Africa.