Home » Maxaa Cusub » Macalinka Labaad ee Chelsea Faria Oo 6-kulan Oo Ganaax Ah Garka Loo Galiyay

Macalinka Labaad ee Chelsea Faria Oo 6-kulan Oo Ganaax Ah Garka Loo Galiyay


Rui Faria

Sidii la filaayay FA-ga dalka England ganaax culus ayay garka u galiyeen tababaraha labaad ee kooxda Chelsea Rui Faria wuxuuna macalinkan kursiga keydka Blues soo fariisan doono 6-kulan ee ugu soo hareeso taasi ayaa ka dhigan labada kulan ee xili cayaareedkan ka harsan iyo 4-kulanoo xili cayaareedka dambe ah,  Faria oo ah kaaliyaha macalin Jose Mourinho ayaa lagu ganaaxay inu aflagaado u geestay garsoore Mike Dean oo dhex dhexaadiyay kulankii Chelsea 2-1 guuldaro kala kulantay naadiga Sunderland sidoo kalena Faria wuxuu soo bandhigay dhamaadkii kulankan hab dhaqan aan sports ku slaeesneyn sidaa darteed xiriirka kubada cagta England ayaa ciqaab culus dul dhigeen kaaliyaha Blues.

Faria ayaa sidoo kale lagu ganaaxay inuu bixiyo £30,000 sidoo kalena digniin culus ayaa la siiyay macalinkan sida gaarka ah ula shaqeeyo waxaana looga digay inuu hab dhaqankiisa wanaajiyo, Faria ayaa la wada xasuustaa in 19-April kulankii Chelsea garoonka Stamford kula cayaartay naadiga Sunderland inuu rabashad badan sameeyay weliba wuxuu ku sigtay inuu gacan qaado garsooraha afaraad, masuulkan ayaa loo sheegay inuu ganaaxan racfaan ka qaadan karo balselama filaayo in kooxda Chelsea ay ku dhiiri galin doonto inuu Faria racfaan qaato madaama falkii uu ku kacay uu ahaa mid muuqdo sidaa darteed Rui Faria waxaa la filaa inuu aqbali doono 6-kulan ee lag joojiyay kursiga keydka Blues inuu soo fariisto.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close