Halyee Luis Enrique dib ayuu ugu soo laabtay garoonka Camp Nou balse markan waji cusub ayuu ku yimid kaasi oo ah in si rasmi ah loogu magacaabay macalinka hogaank doono naadiga Barcelona 2-sano ee nagu soo fool leh sidaa darteed Enrique uma baahno tacriif badan waa shaqsi magac ku leh kubada cagta sidaa darteed maantan waxaan si gaar ah diirada u saari doonaa noloshiisa gaarka ah madaama aan wax badan laga aqoonin, fadlan Enrique iyo xogtiisa gaar ak ah hoos kaga bogo:
Elena Cullell waa haweyneyda Enrique u dhaxdo waxayna labadan lamaane si rasmi ah u aqal galeen December 23rd, 1997 wuxuuna arooskooda ka dhacay xaafada Santa Maria del Mar ee ka tirsan magaalada Barcelona, waxaana habeenkaas xafladooda kasoo qayb galeen 200-shaqsi oo ay ku jiraan xidigo caan ah.
Labadan lamaane ayaa la xasuustaa inay mudo 30-cisho ah ku qaateen bisha malabka magaalada Paris ee dalka France, labadan lamaane haatan waxaa u joogaan sedex caruur ah oo lagu kala magacaabo Pacho, Sira y Xana waxayna dhamaantood wada dagan yihiin magaalada Barcelona.
Caruurta Enrique waxaa ugu weyn Pacho oo sida aabihiis jecel cayaaraha laakiin wuxuu si gaar ah u xiiseeyaa dabaasha, sidoo kale macalin Enrique wuxuu inta badan jecel yahay inuu waqtigiisa la qaato qoyskiisa waxaa intaas usii dheer inuu marwalbo xiliga fasaxyada caruurtiisa dalxiis ugu wado meelaha dunia ugu qurxoon.