Home » Maxaa Cusub » Macalin Roy Hogdson Oo Magacaabay Xidigaha Xulkiisa U Matali Doona Kulamada Saaxiibtinimo

Macalin Roy Hogdson Oo Magacaabay Xidigaha Xulkiisa U Matali Doona Kulamada Saaxiibtinimo

ngland_germany_getty

Tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa si rasmi ah u magacaabay xidigaha xulka England u matali doonaan kulamada saaxiibtinimo oo ay xulkan la cayaari doonaan xulalka Chile iyo Germany bartamaha bishan, macalin Hodgson ayaa dadka ka yaabiyay madaama uu xulkiisa ugu yeeray labada xidig ee xili cayaareedkan naadiga Southampton sida weyn uga dhex muuqdeen Jay Rodriguez iyo Adam Lallana waxaana dadaalkooda lagu abaal mariyay inay xirtaan maaliyada England inay xirtaan sidoo kale xidiga khadka dhexe kooxda Liverpool kaga cayaaro Jordan Henderson ayaa isna xulka England dib ugu soo laabtay, xulka England ayaa 15-ka bishan la cayaari doonaan dhigooda Chile halka isla 19-ka bishan ay wajihi doonaan xulka Jarmalka. Guud ahaan macalin Hodgson xidigahan hoos ku qoran ayuu labadan kulan u magacaabay inay ka qayb qaataan:

Goolhaye: Fraser Forster (Celtic/SCO), Joe Hart (Manchester City), John Ruddy (Norwich City)

Daafaca: Leighton Baines (Everton), Gary Cahill, Ashley Cole (both Chelsea), Kieran Gibbs (Arsenal), Phil Jagielka (Everton), Glen Johnson (Liverpool), Phil Jones, Chris Smalling (both Manchester United), Kyle Walker (Tottenham Hotspur)

Khadka dhexe: Ross Barkley (Everton), Michael Carrick, Tom Cleverley (both Manchester United), Steven Gerrard (capt), Jordan Henderson (both Liverpool), Adam Lallana (Southampton), Frank Lampard (Chelsea), James Milner (Manchester City), Andros Townsend (Tottenham Hotspur), Jack Wilshere (Arsenal)

Weerarka: Jermain Defoe (Tottenham Hotspur), Rickie Lambert, Jay Rodriguez (both Southampton), Wayne Rooney (Manchester United), Daniel Sturridge (Liverpool), Daniel Welbeck (Manchester United)


Waxaa Aqrisay: (216)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>