Home » Maxaa Cusub » Macalin Roy Hodgson Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Soo Xulan Doono 23-kiisa Xidig Ee Koobka Aduunka

Macalin Roy Hodgson Oo Shaaciyay Waqtiga Uu Soo Xulan Doono 23-kiisa Xidig Ee Koobka Aduunka


england

Dhamaan saxaafada dalka England waxay maalin walbo sadaal ka bixiyaan xidigaha xulka England  matali doonaan koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Brazil bisha June inkastoo sadaal xoogan laga bixiyo 23-ka cayaaryahan ee England koobka aduunka uga ayb qaadan doonaan hadana macalin Roy Hodgson wuxuu si rasmi ah u sheegay in 12-ka bishan May uu ku dhawaaqi doono liiskiisa rasmiga ah waana maalin kadib marka uu horyaalka England soo gaba gaboobo, macalin Roy Hodgson ayaa sheegay inuu maalintaas magacaabi doono 23-cayaaryahan iyo 7-xidig oo u taagnaan doonaan inay badal u noqdaan hadii ay xidigo dhaawac soo gaaran ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin wuxuuna macalinkan waaya araga ah yiri “waxaan sameyn doona ku dhawaaqis rasmi ah 12ka May dabcan waa maalin dhamaanteen qaas inoo ah waxaaana xidig walbo ku dooran doonaa guud ahaan xili cayaareedan waxqabadkii wanaagsanaa ee uu soo bandhigay”

Ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin xulka England waxay cayaaro saaxiibtinimo la cayaari doonaan xulalka kala ah Peru (30 May), Honduras (4 June) iyo Ecuador (7 June) waxaana xusid mudan in kulankooda ugu horeeyo England koobka aduunka ay 14 June la cayaari doonaan xulka Italy sidoo kalena 5-maalin kadib waxay 19 June la cayaari doonaan xulka Italy dabcan kulankooda ugu dambeeyo waxay 24 June wajihi doonaan xulka Costa Rica waxayna England ku jiraan qaybta lagu tilmaamay dhimashad dabcan macalin Hodgson wuxuu xulan doonaa xidigo kasoo saari karaan qaybtan dhibka badan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close