Home » Maxaa Cusub » Macalin Roy Hodgson Oo Aan Walaac Ka Qabin Iney Saameyso Niyad Jabka Xidigaha Liverpool

Macalin Roy Hodgson Oo Aan Walaac Ka Qabin Iney Saameyso Niyad Jabka Xidigaha Liverpool


Roy Hod

Madaama naadiga Livepol ay 5-cayaaryahan ku yeelatay liiska uu tababare Roy Hodgson u magacaabay inay xulka England u matalaan hadana qaar ka mid ah saxaafada dalka England ayaa baahiyeen in Hodgson uu go’aankaas ku qaldan yahay waayo xidigaha Reds xili cayaareedkan niyad jab ayay kala kulmeyn Premiership-ka sidaa darteed waxaa la sadaalinaa inaysan xagaagan cayaar wanaagsan koobka aduunka soo bandhigi karin balse macin Hodsgon arigti midaas ka duwan ayuu qabaa wuxuuna yiri “wax walaac ah kama qabo xidigaha Liverpool ka tirsan ee aan xulkeyga u xushay waayo intooda badan waa laacibiin karti badan waxaana la filaa inay xagaagan naga saacidi doonaan sidii aan hadafkeena wanaagsan u hiigsan laheen koobka aduunka”

Tababare Roy Hodgson ayaa si gaar ah u amaanay hogaamiye Steven Gerard oo u sigtay inuu Liverpool xili cayaareedkan u qaado Premiership-ka balse ugu dambeyntii Man City ka fara maroogsatay wuxuuna yiri “Steven waa xidig waaya arag ah sidoo kalena mudo dheer kubada cagta kusoo jiray waxaan xasuustaa in xiliyo badan uu kasoo kabtay niyad jab xoogan oo uu la kulmay sidaa darteed xagaagan waxaan filaa qaab cayaareedkii wanaagsanaa ee uu Liverpool ku saaciday inuu anagana nagu caawin karo” Stev Gerard oo 33-jir ah ayaa la hadal hayaa wixii ka dambeeyo koobka aduunka inuu gabi ahaanba cayaaraha caalamiga ah isaga fariisan doono balse macalin Hodgson ayaa sheegay in Gerard uu mudo sii cayaari karo welina aysan ka muuqan wax daal ah am niyad jab.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close