Ka hor kulanka adag oo ay maanta kooxda Liverpool la cayaari doonto naadiga Norwich waxaa saxaafada la hadlay tababare Brenden Rodgers oo amaan balaaran usoo jeediyay kabtanka Reds Steven Gerrard oo haatan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa sidoo kalena Liverpool ka caawin rabo inay ku guuleesato Premiership-ka hadaba macalin Rodgers oo kalsooni dheeraad ah ku qabo kabtankiisa wuxuu yiri “Steven haatan waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay laacibka khadka dhexe ugu wanaagsan dhamaan marka loo bar bar dhigo xidigaha khadka dhexe ka cayaaraan wuxuuna ku jiraa xiligiisii ugu wanaagsanaa inkastoo da’diisa hore u badatay hadana waxaan aad ula dhacsanahay inuu kulan walbo soo bandhigo qaab cayaareed aad u wanaagsan”
Macalin Rodgers ayaa aaminsan in kooxdiisa Liverpool aysan marnaba ka maarmin kabtan Gerard inta ka harsan xili cayaareedkan wuxuuna yiri “markii aad fiirisid horyaalada Yurub ugu caansan dabcan kuma arkeesid xiligan xidig Steven khadka dhexe kaga wanaagsan sidaa darteed Liverpool heerka ay taagan tahay isaga ayaa sabab u ah waxaana ka rajeynaa inuu sidaan noo caawin doono inta ka harsan xili cayaareedkan” Gerard ayaa Liverpool u dhaliyay 13-gool sidoo kalena 11-kubadood ayuu xili cayaareedkan dhiibay wuxuuna haatan u sharaxan yahay abaal marinta laacibka ugu wanaagsan Premiership-ka England sidaa darteed ruug cadaagan amaanta uu macalinkiisa ka sheegayo ayaa ah mid muuqato wuxuuna qarka u saaran yahay markii ugu horeesay mudo 24-sano kadib inuu Liverpool horyaalka u qaado.