Home » Maxaa Cusub » Macalin Jose Mourinho Oo La Xiriiray Wakiilka Xidiga Gadoodka Ka Ah Man City Ee Yaya Toure

Macalin Jose Mourinho Oo La Xiriiray Wakiilka Xidiga Gadoodka Ka Ah Man City Ee Yaya Toure


Yaya Toure

Kooxda Chelsea ayaa ku fikireyso qorshe lama filaan ah kaasi oo ay ku dooneyso inay xagaagan heshiis kula gaarto Yaya Toure.

The Express ayaa sheegay in macalin Jose Mourinho uu la xariiray wakiilka Yaya Toure oo rabo inuu kooxdiisa Man City isaga hayaamo horaata bisha June ee nagu soo fool leh.

Dimitri Seluk oo ah wakiilka Yaya Toure ayaa sheegay in 90% uu hubo inuu xidigan garoonka Etihad isaga hayaami doono wuxuuna si gaar ah afka ugu dhuftay in macalin Jose Mourinho uu kala hadlay mustaqbalka Yaya.

Jose Mourinho ayaa taageero weyn u ah 32-jirkan awooda badan balse Chelsea si sahlan ah kuma heli doonto saxiixa Yaya madaama ay kooxo badan ku raad joogaan waxaana ka mid ah Inter Milan, Juventus, PSG iyo kuwo kale.

Inkastoo Yaya Toure lagu dhaliilay inuu xili cayaareedkan ka gaabiyay doorkiisa kooxda Man City hadana macalin Jose Mourinho ayaa aaminsan in xidigan weli calankiisa uusan dhicin sidoo kalena uu awoodiisa cayaareed ka faa’iideesan karo.

Hadaba Dimitri Seluk oo ah wakiilka Yaya Toure faafaahin dheeraad ah kama bixinin wixii ay ka wada hadleen Mourinho iyo suurta galnimada uu Yaya xagaagan Chelsea kaga mid noqon karo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>