Home » Horyaalada » La liga » Macalin Diego Simeone Oo Ku Booriyay Messi Inuu Xamili Cadaadiska Xagaagan Koobka Aduunka Kasoo Wajihi Doono

Macalin Diego Simeone Oo Ku Booriyay Messi Inuu Xamili Cadaadiska Xagaagan Koobka Aduunka Kasoo Wajihi Doono


images

Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa iska iloobay guuldaradii xanuun badeen ee todobaadkan looga qaaday koobka horyaalada Yurub wuxuun durbadiiba bilaabay inuu ka hadlo fursada ay u heestaan xulkiisa Argentina hanashada koobka aduunka, Simeone oo haatan lagu tilmaamo macalinka ugu wanaagsan qaarada Yurub ayaa durbadiiba si gaar ah dar daraan ugu soo jeediyay kabtana xulka Argentina Lionel Messi wuxuuna yiri “ma ahan in lala yaabo hanka laga qabo Messi sanadkan waayo guulo aan lasoo koobi karan ayuu dhanka naadiyada gaaray sidaa darteed waxaan kula talin lahaa inuu xamilo cadaadiska xagaagan soo wajihi doono aniga xitaa cadaadis ayaan Leo saari doonaa madaama aan ka filaayo inuu koobka aduunka inoo qaadi doono!”

Diego Simeone oo 44-jir ah ayaa xulkiisa Argentina kala qayb qaatay 3-koob aduun oo kala duwan asigoo saftay 11-kula sidoo kalena wuxuu ka mid yahay laacibintii ugu wanaagsaneed ee maaliyada Argentin xirtaan taariikh ahaan wuxuuna sheegay in sanadkan xulkiisa ay ku guuleesan karaan koobka aduunka wuxuuna yiri “ma ahan wax la aqbali karo in 28-sano aanan koobka aduunka ku guuleesanin sidaa darteed sanadkan waxaan aaminsanahay inuu sanadkeenii noqon doono kaliya Messi oo dadaal dheeri ah muujiyo iyo nasiibka oo dhankeena noqdo ayaa koobka naga xigo” waxaa naga xasuusin ah in xula Argentina labadii koob aduun ee ugu dambeesay inay wareega 8-aad ku hareen hadaba Messi iyo laacibiintiisa caawin doonaan hadalka Simeone kasoo yeeray mid dhabah maka dhigi doonaan?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close