Macalinka reer Argentina ee hogaamiyo naadiga Atletico Madrid Diego Simeone ayaa duulaan xoogan ku qaaday dhamaan kooxaha Premiership-ka England.
Macalin Diego Simeone ayaa sheegay in kooxdiisa Atletico Madrid ay dhan walbo ka wanaagsan tahay kooxaha EPL marka laga reebo hal naadi.
Macalin Diego Simeone oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Atletico kooxo kooban ayaa ka wanaagsan sidoo kalena ka awood badan dhan walbo”
“Balse dhamaan kooxaha dalka England anaga ayaa ka wanaagsan marka laga reebo Chelsea oo ah naadi awood ahaan dhinac walbo ka dheeli tiran”
“Hadii aan si guud u hadlo kaliya 4-naadi ayaa qaarada Yurub naga wanaagsan waxayna kala yihiin Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo Chelsea”
Macalin Diego Simeone ayaa dhinaca wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo in weeraryahankiisa Antoine Griezmann uu xagaagan Chelsea ku biiri doono.
Inkastoo Blues ay qorsheyneyso £43m ee qandaraaskiisa lagu jebin karo 24-jirkan inay bixiso sidoo kalena ay galiso booska Loicy Remy oo dal baday in xagaagan la iska fasaxo.
vic
23-June-2015 at 12:58 am
Waaa runtii simeone