Home » Horyaalada » La liga » Macalin Diego Simeone Iyo Nolosiisha Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa: Sheeko Xiiso Badan

Macalin Diego Simeone Iyo Nolosiisha Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa: Sheeko Xiiso Badan


Diego-Simeone-wife-Carolina-Baldini

Naadiga Atletico Madrid haatan waa kooxda ugu awooda badan qaarada Yurub waxaana sabab u ah Diego Simeone wuxuuna kooxdan kasoo qaaday meel hoose asigoo u qaaday koobabka kala ah Europda League, UEFA Super Cup, Copa del rey haatana wuxuu qaarka u saaran yahay inuu kooxdan u qaado koobka horyaalada Yurub madaaa ay Final taagan tahay iyo La Ligaha Spain oo ay ka xigto labo guul oo qura hanashadiisa, balse maanta waxaan idiin heynaa sheeko ku saabsan noloshiisa gaarka ah, fadlan hoos kaga bogo:

Diego simeone Carolina Baldini wedding

Diego Simeone noloshiisa gaarka ah xaalkeeda ma wanaagsan waayo waxay kala tageen xaaskiisa oo ay isla noolaayeen mudo ku dhow 20-sano balse Carolina Baldin iyo Simeon oo haatan 3-caruur ah heestaan ayaan isla sii joogi doonin madaamd dhibaato xoogan soo dhex gashay, Carolina Baldin oo 38-jir ah waxay xiriir jaceel la sameesay Simeone ayadoo 19-jir ah waxayna si rasmi ah u aqal galeen  July 22, 1994 inkastoo waagii hore shaqadeeda Model-ka ahaan jiray hadana gabi ahanba hawshaas wey joojisay markay aqal gashay.

Diego Simeone familyGianluca Simeone Diego Simeone son picgiovanni simeone diego simeone son picGiuliano Simeone Diego Simeone son

Labadan lamaane sadax wiil ah ayay dhaleen waxaana lagu kala magacaabaa Giovanni 18-jir, Gianluca 15-jir, iyo Giuliano 11-jir waxaana xusid mudan in wiilkooda curudka ah Giovanni oo ku magac dheer Cholito uu haatan yahay weeraryahan ka tirsan naadiga labaad ee Atletico Madrid sidoo kalena wiilkooda kale Cholito isagana naadiga River Plate ayuu ka tirsan yahay.

Inkastoo xiriirkooda uu meel xun gaaray intii u dhaxeesay 2008 ilaa 2010 sidoo kalena ay kala fogaadeen hadana sanadii 2011 ayay labadan lamaane miis wada fariisteen waxayna xal u arkeen inay si rasmi ah u kala tagaan balse xiriirkooda u sii jiro madaama ay caruur isku dhaleen sidaa darteed Simeone ayaa ka aqbalay Carolina Baldin inuu furo balse haatan wax dagaal ah ma dhex yaalo waxaana ka dhaxeyo oo ay isku xariiriyaan sedexda wiil oo ay waalidka u yihiin.

 

Simeone Iyo Jaceelkiisa cusub

43-jirkan marnaba uma hakinin bur burkii ku yimid qoyskiisa waxaana haatan la hadal hayaa inuu xiriir aad u wanaagsan la leeyahay gabadha lagu magacaabo Carla Pereira dabcan 16-sano ayay Simeone ka yar tahay sidoo kalena dalka Argentina ayay u dhalatay balse dalka Spain ayay ku nooleed 10-sano ee ugu dambeeyay waxaana la sheegaa inay sabab u ahayd bur burkii ku yimid qoyskii Diego ee mudada dheer soo jiray sidaa darteed Carla Pereira ayaa haatan ah gabadha kaliya ee nolosha Simeone ku jirto waxayna aad ugu faraxsan tahay saaxiibkeed inkastoo uu 16-sano ka weyn yahay hadana sida uu rabitaankeeda u ilaaliyo tusaale ahaan inuu maqaayadaha wax kala cuno ama dalxiis la aado ama xitaa inay madadaalo u aadaan goobaha ugu caansan magaalada Madrid.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close