Macalinkii hore ee kooxda Man United David Moyes ayaa lagu wadaa inuu horyaalka dalka Scotland ka shaqo galo kadib markii ay lasoo xariirtay naadiga Celtic oo xiiso weyn u qabto saxiixiisa, madaama dhawaan uu xilka Celtic iska dhiibay macalin Neil Lennon waxay kooxda reer Scotland u aragtaa in Moyes uu yahay qof ku haboon hogaaminta kooxdan awooda badan sidoo kalena ka mid ah naadiyada caalamka ugu caansan, Moyes oo shaqo la’aan ah ayaa lagu wadaa inuu si dhaqsi ah dalabka Celtic kaga jawaabo.
Wargesk Daily Mail ayaa sheegay in Moyes uu shacbiyad balaaran ku leeyahay gudaha Celtic madaama uu horey kooxdaan ugu cayaari jiray intii u dhaxeesay 1980 ilaa 83, haatana wuxuu diyaar u yahay inuu marlabaad dib ugu soo laabto garoonka Hampden Park.
Hadii Moyes iyo kooxda Celtic ay is fahmi waayaan kooxdan waxaa u diyaarsan shaqsiyaad kale oo ay aaminsan tahay inay hogaamin karaan waxaana ka mid ah macalinkii hore ee kooxda Cardiff City Malky Mackay oo bilawgii sanadkan shaqadiisa waayay, sidoo kale halyeegii hore ee kooxda Celtic enrik Larsson ayaa isna ka mid ah musharaxiinta liiska kooxdan ku jiro waxaana lagu wadaa weeraryahanka reer Sweden inuu magaalada Glasgow soo gaaro si uu maamulka Celtic kulan qaato.
Haka reebin ruug cadaa Roy Keane oo isagana horey Celtic ugu soo caan baxay ayaa la hadal hayaa inuu hogaanka kooxdan la wareegi doono sidaa darteed hogaanka Celtic ayaa noqday mid qof walbo lala xariiriyo balse waxaa hubaal ah in shaqsi caan ah ay kooxdan u dhiiban doonto xilkeeda xagaagaan.