Maaliyada cusub ee Arsenal ay ku ciyaareyso xili ciyaareedka soo aadan gaar ahaan maaliyada ay ku ciyaareyso kulamada ay martida tahay ayaa loo ekeysiiyay maaliyada ay xili ciyaareedkii dhamaaday kulamada martida ah ku ciyaareysay kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain.
Arsenal ayaa la kowsaneysa dhaq-dhaqaaqa cusub ee shirkadda PUMA taas oo heshiis kooxda la gaartay isla markaana sameysay funaanadaan.
Marka aad fiiriso qaab ahaan labada maaliyad ayaa isku eg 70% inkastoo maaliyada Atletico Madrid ay sameysay shirkadda NIKE hadana jamaahiirta Gunners ayaa ka qeyliyay maaliyadaan kuwas oo bogga tiwtter-ka oo lagu shaaciyay ka xun in funaanada loo ekeysiiyo funaanad koox kale.