Dood xoogan ayaa ka taagan lacagtii faraha badneed ee Grathe Bale ku iibsatay kooxda Real Madrid waana lagu kala qeebsan yahay lacagihii laga bixiyay waxaa ugu dambeeyay Zidane oo dhaliilay in xidigan 100-milyan oo euro ah laga bixiyo sidoo kale taageerayaasha Madrid iyagana si wadajir ah uma soo dhaweyn imaatinka Bale waxaa jiray cayaaryahan Madrid lagu qasbay inuu isaga tago markii Bale uu yimid waana Mesut Ozil inkastoo go’aankii kubad sameeyaha reer Jarmal Arsenal looga iibiyay ay kasoo horjeesteen qaar ka mid ah xidigaha Madrid sida C. Ronaldo, Ramos, Khedira, Benzema iyo Isco hadana laacibkan ugama darin inuu Premiership-ka usoo dhaqaaqo waayo maalin walbo wuxuu noqday cayaaryahanka ay ku qax weeyaan dadka kubada cagta ka faaloodaan.
UKSoccershop oo ah shirkad iibiso maaliyadaha xidigaha ugu caansan caalamka ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal isla markiiba lacago badan ay uga soo xarooray imaatinka Ozil weliba xidigan asigoon hal kulan xitaa Gunners-ka u cayaarin waayo 24-jirkan lambarkiisa 11-aad ayaa six ad dhaaf ah looga iibsanayaa suuqa maaliyada lagu kala gato ee dalka England, UKSoccershop ayaa isku bar bar dhig ku sameesay Bale maaliyadiisa cusub ee Madrid iyo Ozil maaliyadiisa cusub ee Arsenal labadan xidig waxay wadaagaan in lambarka 11-aad ay wada qaadan doonaan balse suuqa siweyn ayay ugu kala duwan yihiin waayo markii 5-qof ay iibsadaan lambarka 11-aad ee Ozil ku xardhan kaliya 1-qof ayaa iibsado lambarka 11-aad ku xardhan Bale tani ayaa k dhigan in cayaaryahanka aduunka ugu qaalisan looga adkaaday suuqa ugu muhiimsan qaarada Yurub kaasi oo ah dalka England weliba Bale waxaa suuqa uga adkaaday Ozil oo lagu iibsaday kala bar qiimaha Grathe Real Madrid kusoo gadatay ah!
Wax Ka ogow 10 ka Wiil ee sanadkii hore funaanadahoodu qaalisanayen:
1. Robin van Persie (Manchester United)
2. Wayne Rooney (Manchester United)
3. Shinji Kagawa (Manchester United)
4. Sergio Aguero (Manchester City)
5. Fernando Torres (Chelsea)
6. Eden Hazard (Chelsea)
7. Luis Suarez (Liverpool)
8. Jack Wilshere (Arsenal)
9. Alex Oxlade-Chamberlain (Arsenal)
10. Santo Cazorla (Arsenal