Home » Maxaa Cusub » Ma Ogtahay In Sedex Halyee Oo U Dhalatay Dalka Talyaaniga Ay Min 9-Gool Wadarta Guud Ee Goolasha Ka Dhaliyeen Cayaaryaha Aduunka Taariikh?

Ma Ogtahay In Sedex Halyee Oo U Dhalatay Dalka Talyaaniga Ay Min 9-Gool Wadarta Guud Ee Goolasha Ka Dhaliyeen Cayaaryaha Aduunka Taariikh?


Paolo Rossi

Waa Mar kale iyo barnaamijkeenii Kororso Aqoontaada Sports oo aad maalin kasta kala Socotaan hiilkubad.com saacada geeska Africa marka ay tahay 8:00 Suabxnimo, Maantana waxaan kusoo qaadaneynaa Qodobadaan:

  • Ma ogtahay in aqristow in labo cayaaryahan oo u dhalatay dalka Argentina ay ku guuleesteen abaal marinta xidiga ugu wanaagsan bisha Premiership-ka waxayna labadaas laacib kala yihiin: Juan Sebastián Verón (Manchester United, September 2001) & Carlos Tévez (Manchester City, December 2009).
  • Ma ogtahay in sedex halyee oo u dhalatay dalka Talyaaniga ay min 9-gool wadarta guud ee goolasha ka dhaliyeen cayaaryaha aduunka taariikh ahaan waxayna sedexdaad xidig kala yihiin: Roberto Baggio (2 goals in 1990, 5 goals in 1994 & 2 goals in 1998), Paolo Rossi (3 goals in 1978, 6 goals in 1982) & Christian Vieri (5 goals in 1998, 4 goals in 2002).
  • Mala socotaa inay jiraan 5-xul oo koobka aduuka ka qayb qaateen misane aanan wax gool ah ka dhalinin tartankan waxayna xulalkaas nasiibka daran kala yihiin: Dutch East Indies (oo hada loo yaqaan Indonesia 1938), Zaire (oo hada loo yaqaan Democratic Republic of Congo 1974), Canada (1986), China (2002) iyo Trinidad & Tobago (2006).
  • Ma ogtahay iyo kooxda Everton ay 5-cayaaryahan u xirteen lambarka 5-aad tan iyo markii Premiership-ka la bilaabay: Dave Watson (1993-2000), David Weir (2000-06), Joleon Lescott (2007-10) iyo John Heitinga (2009-13).
  • Ma ogtahay aqristow in 5-cayaaryahan ay gool dhalintii koobka aduunka 2010 min 5-gool wada dhaliyeen waxayna xidigahaas kala ahaayeen: David Villa (Spain), Diego Forlan (Uruguay), Thomas Muller (Germany) & Wesley Sneijder (Netherlands) balse Thomas Muller ayaa kabaha dahabka la siiyay madaama uu gool dhiibista ka badnaa 4-xidig ee min 5-gool la dhaliyeen.

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close