Ma Ogtahay In Kaliya Sedex Naadi Ay Isku Qaadeen Dhamaan Tartamada Yurub Laga Cayaaro Kuwa Ugu Muhiimsan (Kororso Aqoontaada Sports)
Waxaa Qoray: Abbas Ali Hassan
Taariikhda: September 15, 2013

Waa mar kale iyo Barnaamijkeenii (Kororso Aqoontaada Sports) oo aad Maalin kasta Saacada Geeska Africa markay tahay 8:00 Subaxnimo aad kala socotaan Hiilkubad.com, Maantana waxaan kusoo qaadaneynaa
- Ma ogtahay in kaliya sedex naadi ay isku qaadeen dhamaan tartamada Yurub laga cayaaro kuwa ugu muhiimsan waxayna kooxahaas kala yihiin: Ajax, Juventus iyo Bayern Munich waxayna ku wada guuleesteen 3-tartan ee Yurub ugu qiimaha badan (uropean Cup/Champions League, Cup Winners’ Cup & UEFA Cup/Europa League)
- Ma ogtahay in sedex cayaaryahan oo u dhalatay dalka Jarmalka ay ku guuleesteen horyaalka Ingriiska tan iyo markii loo bixiyay Premiership-ka waxayna xidigahaas kala yihiin: Robert Huth (Chelsea, 2004-05 & 2005-06), Jens Lehmann (Arsenal, 2003-04) and Michael Ballack (Chelsea, 2009-10).
- Ma ogtahay in 6-cayaaryahan oo naadiga AC Milan ka tirsanaa ay ka qayb qaateen tartankii Euro 2012 waxayna xidigaas kala ahaayeen: Philippe Mexès (France), Ignazio Abate, Antonio Cassano & Antonio Nocerino (all Italy), Mark van Bommel (Netherlands) & Zlatan Ibrahimović (Sweden)
- Mala socotaa in labo cayaaryahan oo u dhalatay dalka Jamhuuriyada Czech ay Premiership-ka taariikh ahaan Hat-trick ama sedexley ka dhaliyeen waxayna xidigahaas kala yihiin yihiin Patrik Berger (Liverpool 4-2 Chelsea, 5th October 1997) iyo Milan Baroš (Liverpool 3-2 Crystal Palace, 13th November 2004) labaduba kooxda Liverpool ayay ka wada tirsanaayeen.
- Ma ogtahay in Michel Platini oo haatan ah madaxweynaha UEFA inuu labo jeer sedexley ama Hat trick ka dhaliyay tartankii qaramada Yurub ee la qabtay sanadii 1994 waana iskoor ilaa haatan isaga u yaalo.
Like this:
Like Loading...