Home » Maxaa Cusub » Ma Ogtahay In Cayaaryahanka Kaliya Ee Hal Naadi Hat Trick U Dhaliyay Tartamada Premiership, Champions League iyo FA Cup Uu Yahay…..

Ma Ogtahay In Cayaaryahanka Kaliya Ee Hal Naadi Hat Trick U Dhaliyay Tartamada Premiership, Champions League iyo FA Cup Uu Yahay…..


Yossi-Benayoun---Liverpoo-001

Waa Mar kale iyo barnaamijkeenii Kororso Aqoontaada Sports oo aan kusoo qaadan qodobo taariikhi ah waxaad maalin kastana kala socotaan www.hiilkubad.com saacadda Geeska Africa Markay tahay 8:00 Subaxnimo, waxaana maanta Miiska Noo Saaran:

  • Ma ogtahay aqristow in halyee John Barnes uu yahay cayaaryahanka kaliya ee asigoo 3-naadi oo kala duwan u safan laga qaaday koobka FA Cup-ka waxayna arinkaan nasiib xumada ku dhacday: Watford (1984), Liverpool (1988) and Newcastle United (1998) sidoo kale halmar ayuu Liverpool la qaaday sanadii 1989.
  • Ma ogtahay in cayaaryahanka kaliya ee hal naadi Hat Trick u dhaliyay tartamada kala ah Premiership, Champions League iyo FA Cup inuu yahay Yossi Benayoun wuxuuna ka tirsanaa markaas kooxda Liverpool wuxuuna ka dhaliyay kooxahan kala ah ( Burnley, Besitkas and Havant & Waterlooville).
  • Ma ogtahay in labo dal oo ka dhisan qaarada Afrika ay ku guuleesteen bilada dahabka ee cayaaraha Olympicada kubada cagta qaybta ragga waxayna labadaas xul kala yihiin: Nigeria (Atlanta 1996) iyo Cameroon (Sydney 2000).
  • Ma ogtahay in 4-cayaaryahan oo u dhalatay dalka Peru ay Premiership-ka England ka cayaareen taariikh ahaan waxayna xidigahaas kala yihiin: Diego Penny (Burnley, 2009–10), Claudio Pizarro (Chelsea, 2007–08), Nolberto Solano (Newcastle United, Aston Villa, West Ham, 1998–2008) iyo Ysrael Zúñiga (Coventry City, 1999–2001).
  • Ma ogtahay in 5-cayaaryahan ay naadiga New Castle 200-kulan iyo ka badan ay Premiership-ka u safteen waxayna xidigahaas kala yihiin: Shay Given (354), Alan Shearer (303), Shola Ameobi (268), Rob Lee (267), Nolberto Solano (230), Gary Speed (213) iyo Aaron Hughes (205).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close