Ma Ogtahay In 4-Cayaaryahan Oo Kooxda Arsenal Horey Ugu Soo Cayaareen Ay Ku Guuleesteen Cayaaryahanka Ugu Wanaagsan Horyaalka England (Korso Aqoontaada Sports)
Waxaa Qoray: Abbas Ali Hassan
Taariikhda: September 16, 2013

Akhristayaal Waa mark kale iyo Barnaamijkeenii Kororso Aqoontaada Sports oo aad Maalin kasta kala socotaan Hiilkubad.com marka ay Saacada Geeska Africa tahay 8:00 Subaxnimo, Haddaba Maanta waxaa Miiskaan Noo Saaran Qodobadaan Soo Socda:
- Ma ogtahay in 4-cayaaryahan oo kooxda Arsenal horey ugu soo cayaareen ay ku guuleesteen cayaaryahanka ugu wanaagsan horyaalka England waxayna xidigahaas kala yihiin: Liam Brady (1979), Dennis Bergkamp (1998), Thierry Henry (2003 & 2004) iyo Robin van Persie (2012)
- Ma ogtahay in xulka Mexico uu yahay wadanka ugu qaadista badan tartanka CONCACAF / Gold Cup waxayna ku guuleesteen 9-jeer, sidoo kale xualkan aya kusoo xigaan United States (5), Costa Rica (3), Canada (2), Guatemala, Honduras & Haiti (min hal jeer).
- Mala socotaa aqristow in kooxaha ka dhiZan England iyo Germany ay kama dambeesta koobka horyaalada Yurub 7-jeer ku kulmeen taariikh ahaana sidaan hoos ku qoran ayay isku arkeen: 1975 Bayern Munich 2-0 Leeds United, 1977 Liverpool 3-1 Borussia Monchengladbach, 1980 Nottingham Forest 1-0 SV Hamburg, 1982 Aston Villa 1-0 Bayern Munich, 1999 Manchester United 2-1 Bayern Munich & 2012 Chelsea 1-1 Bayern Munich (rigoorayaal Blues ayaa ku badisay.
- Ma ogtahay in tartanka Olympicada aduunka gaar ahaan kubada cagta Ragga in xulalkan hoos ku qoran ay ugu badan yihiin ka qayb qaadashada tartankan qiimaha badan waxayna kala yihiin: Italy (15) USA (14), France (12) iyo Brazil (12).
- Mala socotaa aqristwo in halyeegii hore ee xulka Holland Ernie Brandts uu yahay cayaaryahanka kaliya ee hal kulan uu xulkiisa gool ka dhliyay sidoo kalena u dhaliyay waxayna dhacdadaas dhacday sanadkii 1978 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Argentina, kulankan Holland Italy ayay la cayaareen daqiiqadii 18-aad ayuu Ernie Brandts gool iska dhaliyay halka daqiiqadii 50-aad uu gool muhiim ah xulkiisa u dhaliyay.
Like this:
Like Loading...