Home » Europe » Champions League » Ma Ogtahay Aqristow In 14-Hat Trick Ay Koobka Horyaalada Ka Dhaliyeen Kooxaha Ingriiska

Ma Ogtahay Aqristow In 14-Hat Trick Ay Koobka Horyaalada Ka Dhaliyeen Kooxaha Ingriiska


Rooney Goal

Waa mar kale  iyo Barnaamijkeenii Kororso Aqoontaada Sports oo aad maalin kasta kala socotaan hiilkubad.com saacadda geeska Africa Markay tahay 8:00 Sabaxnimo, maantana waxaan kusoo qaadaneynaa Qodobadaan:

  • Ma ogtahay aqristow in 14-Hat Trick ay koobka horyaalada ka dhaliyeen kooxaha Ingriiska waxaana u dhaliyeen xidigahan kala ah: Mike Newell (Blackburn Rovers 4-1 Rosenborg), Andy Cole (Feyenoord 1-3 Manchester United), Faustino Asprilla (Newcastle 3-2 Barcelona), Andy Cole  (Manchester United 5-1 Anderlecht), Michael Owen (Spartak Moscow 1-3 Liverpool), Alan Shearer (Newcastle 3-1 Bayer Leverkusen), Thierry Henry (Roma 1-3 Arsenal), Wayne Rooney (Manchester United 6-2 Fenerbahçe), Ruud Van Nistelrooy (Manchester United 4-1 Sparta Prague), Didier Drogba (Levski Sofia 1-3 Chelsea), Yossi Benayoun (Liverpool 8-0 Beşiktaş), Michael Owen (Wolfsburg 1-3 Manchester United), Nicklas Bendtner (Arsenal 5-0 Porto) iyo Gareth Bale (Internazionale 4-3 Tottenham Hotspur).
  • Ma ogtahay aqristow in Ahmed Hassan Mido uu yahay cayaaryahankii ugu horeeyay ee reer Masri kaasi oo ka cayaaro La Ligaha Spain wuxuuna u cayaaray naadiga Celta de Vigo xili cayaareedkii 2002-03.
  • Mala socotaa aqristow in 5-cayaaryahan oo u dhalatay dalka Colombia ay Premiership-ka ka cayaareen taariikh ahaan waxayna xidigahaas kala yihiin: Juan Pablo Ángel (Aston Villa, 2000–07), Faustino Asprilla (Newcastle United, 1995–98), Hamilton Ricard (Middlesbrough, 1998–02) Hugo Rodallega (Wigan Athletic 2008–12) iyo Jhon Viáfara (Portsmouth, 2005–06).
  • Ma ogtahay in xulalka Jarmalka iyo Talyaaniga ay min 17-jeer ay ka qaateen koobka aduunka taariikh ahaan kaliya labo jeer ayay ka maqnaadeen labadan xul ka qayb qaadashada cayaarayaha aduuna madaama guud ahaan 19-jeer la qabtay tartankan.
  • Ma ogtahay in xulka Jamaica ay cayaaraha aduunka halmar ka qayb qaateen waxayna ahayd sanadii 1998 nasiib daro qaybta guruubka ayay ku hareen.

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close