Xulka Qaranka Soomaaliya ee dhalinyarada waxaa markii ugu horeysay soo xushay macalinka xulka kaas oo ah ajnabi u dhashay dalka Uganda wuxuuna ku sugnaa muqdisho bilooyinkii lasoo dhaafay isagoo daawanayay kulamada horyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya.
Xisaabta Ku Darso In Xulka Qaranka Aysan waxtar fiican soo bandhigin sanadihii ugu dambeeyay.
Goarge Semwengere oo mar leyliyay xulka Qaranka Dhalinyarada ee dalka Uganda ayaa leylin doona xulka wuxuuna macalinkaan siiyay tababar kii ugu fiicnaa sida ay sheegeen xiriirka kubada cagta dalka iyo ciyaartoyda waxaana macalinkaan ay xidigaha dhalinyaradu ka faa’iideen qibrado mudadii gaabneyd ee ay tababarka sameynayeen.
Xulka Soomaaliya wey ka aradneyd iney niyad sami kusoo dheelaan balse macalin Goarge Semwengere ayaa kalsooni ku qaba in wiilashiisu ay wax muuqda kusoo bandhigi doonaan Sudan inkastoo guusha iyo guuldaradu ay tahay qeyb ka mid ah ciyaarta.
Sidoo kale Goarge Semwengere waxaa ku wehliya tababarka ninka ay isku dhalashada yihiin ee James Magala kaas oo tababara goolhayayeyaasha.
Macalinka caawin doona ninkaan reer Uganda waa macalin Saalax Faarax Muxudiin.
Inkastoo Soomaalida lagu xanto ineysan laheyn dhalinyaro isla markaana ay mararka qaar geeyaan tartamada dad da’doodu ka weyn tahay hadana aad ayey kaga taxadareen xiligaan.
Si Kastaba Xulka Qaranka Soomaaliya ayaan u rajeyneynaa guul iyo iney usoo baxaan ka qeyb galka Tartanka African Yuth ee Senegal ka dhici doona.