Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa shaaca ka qaaday in kooxda difaacaneysa horyaalka Spain ee Atletico Madrid ay tahay mid ku cad-cad iney mar kale ku celiso ku guuleysiga La Liga xagaagan bilowga ah.
Hadalka kasoo yeeray Luis Enrique ayaa ka dhigan inuu kusoo aaday xili kooxda Bulgarana iyo xifaaltamayaashooda Madrid ay qarash gareeyen malaayiin doolar oo ay kusoo iibsadeen tiro ku dhaw 10 ciyaariyahan.
Real Madrid ayaa keensatay Keylor Navas, Toni Kroos iyo James Rodriguez, halka Barcelona ay keensatay Vermaelen, Mathiue, Bravo, Stergen, Suarez iyo xidigo kale taasoo ka dhigan iney is xoojiyeen.
Si Kastaba Awooda Atletico Madrid ayaan daciifin madama ay ka xoogtay Real Madrid koobka Spanish Super Cup, ciyaar laba lugood ah oo ku dhamaatay 2-1 isku cel-celiska.
“Kooxda ku cadcad horyaalka waa Atletico Madrid” ayuu yiri Enrique, xili kooxdiisa ay kulanka ugu horeeya La Liga soo dhaweyn doonto Elche.
“Sida aan iri xili ciyaareedkii hore, kooxda waxey ugu cad-cadahay horyaalka iyo Champions League”
Dhanka kale Enrique ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay aad ula xifaaltanto kooxaha Madrid micnaha hadalkaana uusan aheyn in kooxdiisa aysan u tartami doonin horyaalka La Liga.
Intaas waxaa raaca in Bravo, Rakitic, Mathieu ayaa laga yaabaa iney kulankoodii ugu horeeyay kasoo muuqdaan, iyadoo Stergen iyo Vermaelen ay dhaawac yahiin.
Sidoo kale Enrique ayaa doonaya in Neymar uu taam u noqdo kulankaas, inkastoo xidigaan uu dhaawac fudud kasoo gaaray tababarkii khamisitii.
Ugu dambeyntii weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez ayaa daawan doona kulanka kaas oo ganaaxii qaniinyada Chiellini wali ku maqan.
Profile