Luke Shaw ayaa ku dhaw inuu noqdo da’yarka ugu mushaarka badan horyaalka Premier League sida uu ku warbixiyay kadib markii ay Man United u oglaatay iney siineyso 160,000 Isbuucii.
Daafaca bidix ee Southampton kaas oo haatan ku sugan Brazil si uu u matalo England koobka Aduunka ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhaw yahay ku biiritaanka Manchester United oo 27 Malyan miiska u saartay dhigeeda Southampton.
Inkastoo naadiga Saint lagu neynaaso ay shaacisay ineysan go’aan ka gaari doonin iibka xidigaheeda ilaa ay hesho tababare cusub ayuu Shaw heshiiska mushaarkiisa ah la gaaray United.
Sida ay shaacisay Goal.com, 18-jirkaan aya sanadii heli doona 8 Malyan Oo Pound hadii uu saxiixo heshiiska United oo shan sano ku kacaya isagoo Louis Van Gaal kula biiraya Old Trafford.
Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in Chelsea ay tartanka kula jirto balse waxaa cad in Man United ay ku cad cadahay saxiixa Shaw isla markaana Blues ay quusan doonto marka uu xidigaan heshiiska rasmiga ah qalinka ugu duugo Manchester United.