Home » Maxaa Cusub » Luke Shaw Oo Ka Farxiyay Manchester United

Luke Shaw Oo Ka Farxiyay Manchester United


Luke-Shaw

Daafaca dhanka bidix ee xulka Ingiriiska iyo Kooxda Southampton Luke Shaw ayaa daboolka ka qaaday inuu kooxdiisa si cad ugu sheegay dhamaadkii horyaalka ingiriiska inuu doonayo ku biiritaanka kooxda Manchester United.

Kooxda Shayaadiinta Cas-Cas ayaa hogaanka u heysa Loolanka loogu jiro 18-jirkaan haatan kula sugan xulka England dalka Brazil kana mid ah xidigaha xulkaas u matali doona tartanka Koobka Aduunka.

Warar laga helayo Ingiriiska sheegaya in United ay ugu dhawdahay xidigaan iney kula wareegt 27-Malyan Oo Pound xili tababare Louis Van Gaal loo magacaabay inuu badal guuleysto u noqdo tababarihii fashilmay ee David Moyes.

Si Kastaba BBC Sports ayaa ku warantay in Shaw uu maamulka Southampton u sheegay inuu doonayo ku biiritaanka kooxda Manchester United.

Southamapton ayaan xidigaheeda muhiimka ah iibin doonin tan iyo inta ay ka heleyso tababarihii badali lahaa Mauricio Pochettino waxaana ilaa haatan la hadal hayaa bixitaankooda Shaw iyo Lallana oo dalab ka helay Liverpool.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close