Home » Maxaa Cusub » Luke Shaw Oo 24-ka Saac Ee Soo Aadan Caafimaadka U Mari Doona Manchester United

Luke Shaw Oo 24-ka Saac Ee Soo Aadan Caafimaadka U Mari Doona Manchester United


Shaw

Daafaca bidix ee kooxda Southampton Luke Shaw ayaa dhameystiri doona heshiiska uu ugu biirayo Manchester United 24-ka saac ee soo, kadib markii uu yimid xerada tababarka ee ION Training Complex maqribnimadii Khamiista.

Xidigaan da’da yar ee England ayaa si rasmi ah uga mid noqon doona Manchester United marka uu Jimcada maro tijaabo caafimaad isagoo noqon doona saxiixii labaad ee Manchester United kadib Louis Van Gaal.

18-jirkaan heerka caalami ayaa caawa ku sugan Hotel ku yaala magaalada Manchester iyadoo sawir qaadayaasha ay ku sugi doonaan xerada tababarka si loosoo bandhigo xidigaan Jimcaha [Maanta].

Luke Shaw ayaa noqon doona da’yarkii ugu qaalisanaa ebid wuxuuna kooxdiisa u raaci doonaa fasaxa ay ku tagi doonto meelo badan oo aduunka kulamada ay isugu diyaarineyso horyaalka bilaaban doona xili ciyaareedka soo aadan.

Luke Shaw ayaa isbuucii qaadan doona 100,000 Kun Pound waana arin u dhaxeysa shaqsiyada xidigaan iyo Manchester United isagoo noqon doona da’yarka ugu mushaarka badan horyaalka Premier League.

Ugu dambeyntii ka hor bilowga xili ciyaareedka soo aadan Manchester United ayaa sameyneysa isku dubarid iyo dib isu dhis xoog badan madama ay dhibaatooyin xoog leh soo wajaheen xili ciyaareedkii mugdiga ahaa ee David Moyes.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close