Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa saxaafada u sheegay in labadiisa xidig Mats Hummels iyo Lukas Podolski ay diyaar u yihiin inay saftaan kulanka adag ee Jarmalka jimcada la cayaari doonaan xulka France wareega 8-aad ee koobka aduunka labadan xidig ayaa seegeen kulankii ugu dambeeyay ee Jarmaka 2-1 kaga badiyeen xulka Algeria madaama ay caafimaad ahaan u suura gali weesay inay saftaan.
Hummels oo horey u cayaaray 3-kulan oo ay xulka Jarmalka qaybta guruubyada soo cayaareen ayaa kulankii ugu dambeeyay awoodi waayay inuu saftay madaama uu hargab aad u daran lasoo darsay balse daafacan ayaa haatan kasoo kabtay xanuunkii haayay wuxuuna sameeyay tababar buuxdo sidaa darteed kulanka Germany Vs France diyaar ayuu u yahay inuu kasoo muuqdo.
Geeska kale Lukas Podolski oo isagana dhaawac muruqa ka qabay ayaa soo kabtay wuxuuna weeraryahankan saxaafada u sheegay inuu aad uga xun yahay kulankii Algeria ee uu seegay wuxuuna sheegay inuu kulanka France safan karo wuxuuna xidigan ka dhawaajiyay inuu tababar adag sameyn doono si uu boosa weerarka ugala tartamo Andre Schuerrle iyo Mario Gotze balse macalin Joachim Low ayaa sheegay inuu marka hore go’aan ka gaari doonin xidigaha Jimcada cayaari doono ilaa uu si buuxdo u qiimeeyo tababarka ugu dambeeyo oo ay xidigaha Jarmalka sameyn doonaan sidaa darteed Podolski.
Schurrle iyo Gotze midkii waxqabad wanaagsan xarunta tababarka kusoo bandhigo ayuu macalin Low cayaarta France kusoo bilaabi doonaa.
Profile