Home » Maxaa Cusub » Lukas Podolski “Jarmalka Ma Heestaan Xidig Sida Neymar Oo Kale U Tayo Wanaagsan”

Lukas Podolski “Jarmalka Ma Heestaan Xidig Sida Neymar Oo Kale U Tayo Wanaagsan”


Pod & Bast

Weeraryahanka xulka Jarmalka Lukas Podolski ayaa sheegay in xulkiisa aanan laga heleyn xidig ku tayo ah Neymar inkastoo laacibka reer Brazil uu seegi doono kulanka Taladaada Germany Vs Brazil dhex mari doono hadana Podolski ayaa sheegay in Neymar aanan marnaba tayo ahaan la gaari karin wuxuuna yiri “ma heesano laacib sida Neymar oo kale ama xitaa Messi oo kale balse kubad waxaan cayaarnaa iskaashi ah taasi oo ka dhisan in la wada shaqeeyo midaasna ayaa sababta inaan koobka aduunka qaybaha u dambeeyo soo gaarno”

Lukas Podolski oo sidoo kale weerarka kaga cayaaro naadiga Arsenal ayaa sheega inuusan ka xumeyn doorkiisa xulka Jarmalka madaama laacibkan uusan ka mid ahayn xidigaha joogatada ugu cayaaraan xulka Jarmalka wuxuuna yiri “waan k faraxsanahay doorkeyga sidoo kalena macalin Low shaxda uu cayaarayo waa mid iskaashi ku dhisan anigana mar walbo doorkeyga waa mid muuqdo hadii aan garoonka ku jiro iyo hadii aan ka maqanahay”

Ugu dambeyntii Lukas Podolski ayaa saxaafada u sheegay in lasoo gaaray xiliga xulka Jarmalka koobka aduunka ku guuleesan lahaayeen wuxuuna yiri “inkastoo Brazil aan dhibaato culus kala kulmi doono hadana waxaan aaminsanahay in sanadkan aan calfan doono koobka aduunka madaama 4-Semi-final oo xariir ah aan soo gaarnay”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close