Bartilmaameedka Everton Romelu Lukaku ayaa aaminsan inuu u dagaalami karo booskiisa Chelsea xili kooxda ka dhisan gobolka Mereyside ay xidig kale oo amaah ah ka heshay Chelsea.
Tababare Roberto Martinez ayaa mudo badan ku raad joogay Lukaku xili xidigaan uu sanad qurux badan oo amaah ah ku soo qaatay garoonka Goodison Park balse haatan waxey u muuqataa inuu kusii nagaan doono Stamford Bridge.
Kadib bixitaanka Samuel Eto’o iyo Demba Ba, macalin Jose Mourinho ayaa albaabka ka xiran doona kooxaha doonaya Lukaku oo ay Everton ugu dhaweyd.
Macalinka reer Portugal ayaa ku waramay in Chelsea ay soo idleysay qorshaheedii Suuqa kala iibsiga taasoo ka dhigan in kadib waqtiga hadalkiisa uusan qofna ka tagi doonin qofna imaan doonin kooxda galbeedka London ka dhisan.
Sidoo kale Sky Sports ayaa qortay in Lukaku uu doonayo inuu dagaal culus la galo Diego Costa iyo Fernando Torres kuwaas oo ah labada weeraryahan ee haatan ku sugan kooxda Chelsea.
Dhanka kale kooxda Everton ayaa qaab amaah ah ku heleysa da’yarka reer Ghana ee ay leedahay kooxda Chelsea Atsu kaas oo xili ciyaareedkii hore kusoo qarash gareeyay amaah uu ugu ciyaaray kooxda Vitesse Arnhem.
22-jirkaan ayaa qaab ciyaareed qurux badan kaga soo muuqday koobkii Aduunka ee Brazil kusoo idlaaday inkastoo xulkiisa Ghana ay ku hareen wareega groupka.
Lukaku waa new drogba waana latartami karaa deico costa