Kubad bur buriyaha xulka Brazil Luiz Gustavo ayaa lagu wadaa inuu kooxda Real Madrid si rasmi ah ugu biiro marka uu koobka aduunka soo idlaado, xidigan tayada wanaagsan ayaa dalabka kooxda reer Spain aqbalay sidoo kalena sheegay inay u tahay riyo u rumowday hadii uu garoonka Bernabue kasoo muuqdo, wararka ayaa intaas ku daraayo in kooxaha Real Madrid iyo Wolfsburg oo uu xidigan ka tirsan inuu haatan u socdo wada hadal meel wanaagsan maraayo waxayna kooxda reer Jarmal aqbashay inay xidigeeda ugu muhiimsan Madrid ka iibiso.
Wargeska El Confidencial ayaa sheegay in Real Madrid ay Gustavo ku qaadan doonto €25 million wuxuuna xidigan si rasmi ah Real uga mid noqon doonaa marka uu koobka aduunka soo idlaado.
Gustavo ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan xulka Brazil wuxuuna laacibkan kasoo bandhigay koobka aduunka qaab cayaareed aad u wanaagsan, laacibkan horey ugu cayaari jiray naadiga Bayern Munich ayaa lagu wadaa inuu booska Sami Khedira buuxiyo madaama xidiga reer Jarmal iyo kooxda Real Madrid go’aansadeen inay wada shaqeyntooda joojiyaan waxaana Khedira la hadal hayaa inuu kooxda Arsenal ku biiri doono marka uu koobka aduunka soo gaba gaboobo.
Profile